Ban Ki-moon oo waraaqaha aqoonsiga ee Danjirnimo ka guddoomay Yuusuf Garaad

0
173

NY (INO)— Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobey Ban Ki-moon ayaa waraaqaha aqoonsiga Danjirnimo ka guddoomay Yuusuf Garaad Cumar oo noqon doona Wakiilka Soomaaliya u fadhiya Qaramada Midoobey xaruntiisa magaalada New York.

Madaxii hore ee laanta Afka Soomaaliga ee BBC-da Yuusuf Garaad ayaa ka mid ahaa Safiiro dhowr ah oo bilo ka hor ay ansixiyeen Golaha Wasiirada Soomaaliya, iyadoo Madaxweyne Xasan Sheekh u magacaabay inuu noqdo Wakiilka Soomaaliya u fadhiya Qaramada Midoobey.

War qoraal ah oo uu Yuusuf Garaad soo dhigay boggiisa “Bloga” ayuu kaga hadlay casuumaada Xafiiskiisa New York ugu sameeyay Ban Ki-moon iyo waraaqihii danjirnimo ee laga guddoomay.

Halkan hoose ka akhriso warka Yuusuf Garaad uu soo dhigay “Blog-iisa”

Xoghayaha Guud ee Qarammada Midoobay, Ban Ki-moon, ayaa maanta iga guddoomay waraaqda aqoonsiga Danjirennimo ee wakiilnimada Soomaaliya ee Qarammada Midoobay iyo Faracyadeeda.

Intaa ka dib, ayuu Xoghayaha Guud igu martiqaaday xafiiskiisa magaaladan New York, halkaas oo aan ku qaadannay kulan gaaban.

Waxaan uga mahadceliyay sida ay Qarammada Midoobay u garab taagan tahay Soomaaliya, laga soo billaabo maamulkii Qarammada Midoobay ee Soomaaliya gaarsiiyay xorriyadda. Waxaan uga mahadceliyay sida inta uu xilka hayay uu Soomaaliya isugu howlay in uu gargaaro xag aadminnimo, xag amni iyo xag siyaasadeedba. Waxaan xusay in Soomaaliya ay ka soo baxday ku meel gaarka, in ay sameyneyso horumar, ayna u baahan tahay in la joogteeyo lana xoojiyo kaalmada maaddaama ay hey’adaha dalka iyo weliba horumarkeedu ay weli curdan yihiin.

Maaddaama ay Soomaaliya ku biirtay Qarammada Midoobay isla sannadkii ay xorriyadda qaadatay, waxaan Xoghayaha Guud uga mahadceliyay guulaha inta uu xilka hayay uu gaarsiiyay Qarammada Midoobay. Waxaa guulahaas ka mid ah taageerada dalalka colaaddu ay soo wajahdo iyo horumarinta xuquuqda haweenka.

Waxaan xusay horumarka xagga siyaasadda ee Soomaaliya gaar ahaan dhinaca doorashooyinka oo dhowaan la dhammeystiri doono iyo ballanta Soomaaliya ay higsaneyso oo ah in uu muwaaddin kasta oo Soomaali ah uu codkiisa dhiibto doorashada 2020.

Wuxuu Xoghayaha Guud sheegay in Qarammada Midoobay ay u heellan tahay Soomaaliya. Wuxuu bogaadiyay horumarka laga sameeyay dalka. Wuxuuna sheegay in howlo badani ay weli harsan yihiin si loo helo xasillooni buuxda iyo Dowladnimo si dhammaystiran u hanqaadda. Wuxuuna ku cliyay in Qarammada Midoobay ay Soomaaliya garab taagan tahay wuxuuna igu dhiirri geliyay in aan xoojiyo xiriirkeyga wakiillada Dowladaha daneeya Soomaaliya iyo Laamaha Qarammada Midoobay ee dalka ka howlgala.

Golaha Guud ee Qarammada Midoobay ayaa ah goobta loo siman yahay oo ah Dowlad iyo Cod.

Xoghayaha Guud ee Qarammada Midoobay, Ban Ki-moon wuxuu iiga warramay mar uu Soomaaliya tegey. Isaga oo ka jawaabaya su’aal aan weydiiyayna wuxuu ii sheegay in marka uu shaqada ka fariisto uu ku laaban doono dalkiisa, Kuuriyada Koofureed.

Fadhiga waxaa igu wehliyay Maxamed Rabiic Yusuf oo ka tirsan ergada Soomaaliya