Haraare(INO)-Madaxweynaha dalka Zimbabwe, Robert Mugabe oo 90-jir ah dhawaanna loo doortay guddoomiyaha sannadkan ee ururka Midowga Afrika ayaa ku kufay roog loo fiidiyay garoonka diyaaradaha magaalada Harare ee xarunta ah, ka-gadaal markii uu dib ugu laabtay shalay oo Arbaco ahayd Zimbabwe.
Wariye ka tirsan AFP ayaa la helay sawirro muujinaya Robert Mugabe oo tallaabadii ugu horreysay ee uu qaaday kaddib kufay oo ay garbaha qabanayaan xubno dawlada ka tirsan oo xilligaas garoonka kula sugnaa.
Robert Mugabe ayaa ka laabtay magaalada Addis-Ababa ee dalka Itoobiya, halkaasoo uu kaga qeyb-galay shirkii madaxda Midawga Afrika oo isagu uu shir-guddoominayay.
Sidoo kale, madaxweynaha Zimbabwe ayaa ahaa madaxweynihii ugu da’da weynaa ee ka qaybgalay kulankii sannadkan ee hoggaamiyeyaasha Midowga Afrika, isagoo kufay kaddib markii uu dhameystay warbixin safarkiisii Addis Ababa ku saabsan.
Halkan Ka Daawo.
Mr. Mugabe ayaa markii la istaajiyay waxaa horay loo saaray gaarigiisii oo isla goobta ku sugnaa, lamana oga wax dhibaato ah oo kufka kasoo gaaray, sida ay baahiyeen qaar ka mid ah wariyeyaashii xilligaas ku sugnaa garoonka.
Si kastaba ha ahaatee, Robert Mugabe oo ah hoggaamiye inta badan dhaleeceyn u jeediya dalalka reer galbeedka ah ayaa bishan waxay da’diisu noqonaysaa 91-jir, isagoo xukunka dalkaas la wareegay 22 bishii December 1987-kii.
Idale News Online, Haraare.