Muqdisho(INO)-Iyadoo Wadatashiyo iyo kulamo gooni gooni ah uu sameeynayo raysal wasaaraha soomaaliya mudane Cabdi rashiid cali sharma’arke isla markaana magaalada Muqdisho ay ku sugan yihiin, madaxda maamul goboleedyada dalka kuwasoo sida la sheegey ka qiib qaadayaan dadaalada la doonayo in xildhibaanada baarlamanka soomaaliya qaar ka mid ah oo weli saluugsan xukuumada cusub looga dhaadhicin lahaa in ay ansixiyaan xukuumada, ayaa waxa soo baxayaa warar sheegayo in maalinta Asniinta ah ee soo socoto baarlamanka la horgeyn doono xukuumada uu soo dhisey RW, Cumar Cabdirashiid,
Sida Aynu Xogta ka helneyno Maalinta Isniinta ee soo socoto ayaa waxaa lagu wadaa in Golaha Wasiirada cusub ee Xukuumadda So0maaliya ayaa la horgeeyn doonaa Xildhibanaada Baarlamaanka, si codka kalsoonida ah loogu weydiiyo inay siiyaan.
Safiirka Soomaaliya ee Qaramada Midoobe Amb. Cawaale Cali Kulane oo shalay kulankii Qaramada Midoobe ka qiibgalay Shirka Magaalada New York, ayaa wuxuu sheegay in maalinta Isniinta ah si rasmi ah ay Gollaha Wasiirada u hortaggi doonaan Baarlamaanka.
Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobe Ban Ki-moon oo sidoo kale kulankaasi ka hadlaayay, ayaa wuxuu dhaliilay loolanka siyaasadeed ee ka jira Magaalada Muqdisho ,Wuxuuna ku macneeyay kuwo dib u dhac ku keenay Hay’adihii Dowladda, Sidoo kale Xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay Ban Ki-moon ayaa sheegay in dhibaatada siyaasadda ee ka jirta Soomaaliya ay hakad gelisay shaqada dowladda iyo Baarlamaanka.
Ugu Dambeyntii, Madaxda Dowlada Soomaaliya ayaa cadaadis xoogan waxa uu kaga imanayaa Beesha Caalamka markii ay sabab u noqotay burburka labadii Xukuumadood ee ka horeysay, midda uu iminka soo dhisaayo Ra’iisal Wasaare Sharmaarke.
Idale News Online, Muqdisho