Madaxweynaha Koonfur Galbeed Ee 3da Gobol Maxamed Xaaji C/nuur “Baydhabo Waxaa Ka Jiro Hal Maamul Oo Sharci Ah “

0
175

Maxamed Xaaji C/nuur  oo ah Madaxweynaha Koonfur Galbeed Somalia ee xaruntiisa tahay magaalada Baydhabo ayaa sheegay in magaalada Baydhabo uu ka jiro oo kaliya hal maamul oo sharci ah kaasoo ah maamulka uu isaga hoggaamiyo ee ka arimiyo gobolada Bay, Sh/hoose iyo Bakool.

Baydhabo waxaa ka jira maamul sharci ah oo seddex gobal ka kooban, waxaana u jeedinayaa dhinac kasta oo iga soo horjeeda in miiska wada hadalka ay isku kaynya keenaan sidaas waxaa yiri madaxweyaha K/Galbeed Maxamed Xaaji C/nuur.

Madaxweyne  Maxamed Xaaji C/nuur ayaa sheegay inay doonayaan inaan la iska horkeenin bulshada Soomaaliyeed ee degan lixda gobol ee dhacdo koonfurta Somalia isagoo sheegay in 3da gobol ee kala ah J/hoose, J/dhexe iyo Gedo uu ka dhisan yahay maamul beesha caalamka aqoonsatay.

“Gobollada Jubbooyinka iyo Gedo waxaa ka jira maamul aan daris nahay ee Jubba oo Kumeel Gaar ah oo dowladda ay aqoonsan tahay, marka seddexdaan kale ee maamul la’aanta ah ayaa loo baahan yahay shacabka ku nool in maamul loo dhiso, qorshaheena iyo hadafkeennana waa sidaa” ayuu sii raaciyey  madaxweyne Maxamed Xaaji Cabdinuur.

Hadalka Madaxweyne  Maxamed Xaaji C/nuur ayaa ku soo beegmayo xili uu magaalada Muqdisho ka socdo  wadahadalo la sheegay inay u dhexeeyaan  maamulka K/galbeed ee 3da Gobol iyo kan 6 gobol.

Madeer

Idale News Online, Muqdisho.