Odoyaasha Koonfur Galbeed Oo Khudbad Cajiib Ah Ka Jeediyay Xaflada Caleema Saarka Boqor Burhaan

0
178

Waxaa maanta magaalada Qardho ee xarunta Gobolka Kakaal lagu qabtay xaflada ceelama Saarka Boqqrka Beelaha Daarood Boqor Burhaan Boqor Muuse waxaana xaflada kasoo qeyb galay wafuud kala duwan oo kala yimid gudaha dalka Soomaaliya iyo dibadda.

Odoyaasha Dhaqanka ee dowladda Koonfur Galbeed Soomaaliya ayaa ka mid ahaa dadkii kasoo qeyb galay xaflada caleema saarka iyagoo maanta soo gaaray magaalada Qardho islamarkaana si fiican loogu soo dhoweeyay.

Mid ka mid ah Odayaasha Koonfur Galbeed Soomaaliya Malaaq Deerow ayaa khudbad ka jeediayay xafladda isagoo ugu horayn u hanbalyeeyay Boqor Burhaan Boqor Muuse una sheegay inuu yahay Boqorka Soomaaliyoo dhan ayna taageersanyihiin isagana looga baahan yahay inuusan ku ekaanin beeshiisa kaliya uu ahaado Soomaali Weyn Boqorkooda islamarkaana talaabada ugu horayso uu qadayana ay ahaato isu keenidda soomaalidan kala daadsan.

1aaa

Dhanka kale Malaaq Deerow ayaa Madaxweynaha Puntland isagoo lahadlayo waxa uu yiri ‘ M/weyne Gaas Soomaalida waa kuu hanweyn tahay wax tarkaadana waa lasoo arkay ee waxaan rabnaa inaadan ku ekaanin Puntalnd iyo eeriyeheeda ee aad ku dadaasho sidii Soomaali weyn aad wax ugu qaban lahayd gaar ahaan dadkii kasoo barakacay gobolada Koonfurta Soomaaliya ee yimid deeganada Puntland.

Ugu danbeyn Malaaq Deerow ayaa ka codsaday Madaxweynaha Puntland in la tix geliyo dadkaas oo magacyada loo bixiyayna laga badalo Malaaq Deeroow ayaa xusay in dadka ka soo barakacay Koonfurta Soomaaliya ee usoo barakacay deegaanada Puntland in magacyo loo bixiyay kaas oo ahaa ‘Af Garan Waa’.

Idale News Online.