Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo wafdi uu hogaaminayo ayaa goordhaw kasoo dagay Garoonka Diyaaradaha Aadan Cadde eeMagaalada Muqdisho , waxaana halkaasi kusoo dhaweeyay Masuuliyiin katirsan Dowlada.
Kusoo laabashada Magaalada Muqdisho Madaxweynaha Soomaaliya ayaa aheed mid si deg deg ah ku timid kadib markii maalintii shalay Dagaalyahano katirsan Al-Shabaab weerar toos ah ku qaadeen xarunta Golaha Shacabka ee Magaalada Muqdisho.
Madaxweynaha oo la hadlay Warbaahinta ayaa cambaareeyay Weerarkii Al-Shabaab ka geesteen Xarunta golaha Shacabka , waxa uuna sheegay in aysan niyad jabin dooni qaraxyada iyo qalaalasaha ay wadaan Kooxda Al-Sabaab , isagoo ku hanjabay in dowlada ay dagaal adag la gali doonto Al-Shabaab.
Dhinaca kale Madaxweynaha Soomaaliya oo ka hadlay iscasilaadii Wasiirka Amniga Qaranka Cabdi Kariin Xuseen Guuleed ayaa tilmaamay in uu soo dhaweenayo iscasilaada Wasiirka , waxa uuna tilmaamay in Wasiirku isagu gartay in uu iscasilo.
Shalay ayey aheed markii Rag hubeesan oo katirsan Al-Shabaab weerar ku galeen xarunta Golaha Shacabka ee Magalaada Muqdisho oo kamid ah goobaha sida aadka u ilaaliyaan Ciidamada Dowlada Soomaaliya iyo kuwa AMISOM, Waxaana weerarkaasi ku dhintay dad ku dhaw 20-qof.
Idale News Online,Muqdisho.