Afgooye(INO)-Wararka aan ka heleyno degmada Afgooye ee gobolka Shabellaha hoose waxa aay sheegayaan in halkaasi lagu soo xiray shir maalmo soconayay oo lagu heshiisiinayay beelo wada daga gobolka Shabellaha Hoose.
Shirka lagu soo gabgabeeyay degmada waxaa markiisii hore furay madaxweynaha maamulka koofur galbeed Soomaaliya Shariif Xasan Sheikh Aadan.
Shirka ayaa lagu heshiisiiyay dhinacyadii ku dagaalamay qeybo kamid ah gobolka Shabellaha hoose,waxaana laga soo saaray qodobo dhowr ah oo lagu heshiisiiyay.
Wasiirka Dib u heshiisiinta u qaabilsan Maamulka Koofur Galbeed C/qaadir Nuur Caraale ayaa sheegay in Qodobadaan lagu heshiiyay.
- -in xabada Lajoojiyo
- in la qaado isbaarooyinka yaala Gobolka
- in shaqsigii dil geeysta shareecada Islaamka la marsiiyo
- in qofkii huriya colaada la marsiin doono xeerka ciqaabta Soomaaliyeed.
Ugu dambeyn waxaa gabagabadii shirka hadal kooban ka jeediyay madaxweynaha Koofur Galbeed Shariif Xasan Sheikh Aadan isagoona sheegay in heshiiskaan uu faaiidooyin iyo waxtarba ugu fadhiyo dadka daga gobolka Shabellaha hoose,isagoona ka wada codsaday dhammaan dhinacyadi dirirtu u dhaxeysay in ay heshiiska dhawraan nabadna ku noolaadaa.
Idale News Online, Afgooye.