Baydhabo (INO)-Wararka Saaka Shabakada Idale News Online ay Ka heleyso gobolka Bay Ee koonfurta Soomaaliya Ayaa sheegayaan Ciidamada dowlda Soomaaliya Ay gacanta Ku Dhigeen Haweeney Hubeysan isla markaana Ka tirsan xoogaga Al-shabab Ee Soomaaliya.
Max’ed Max’uud Jiiroow oo k amid ah Saraakiisha Ciidamada Dowadalada Somalia ayaa sheegay in ay Gacanta ku dhigeen Haweeneey hubsan oo katirsan Xarakada Al-shabaab.
Taliye jiiroow ayaa sheegay in ay haweeyneeydani ay hubeeysneyd Gacantana ay ku heeysatay Qoray AK47 Ciidamaduna ay xabsiga u taxaabeen.
Dhinaca kale taliye Jiiroow ayaa sheegay in Ciidamada Dowlada Somalia ay sidoo kale gacanta ku dhigeen rag sida haweenka usoo labistay oo katirsanaa Al-shabaab.
Sidoo kale Waxa uu sheegay in haweeyneeydaasi hadda su’aalo lagu weeydeenayo Magaalada Baydhabo Ee Xarunta Gobolka Baay wixii baaritaanadaasina ka soo baxa ay dib warbaahinta kala socod siindoonaan.
Waxa uu sheegay in ay sii wadi doonaan howlgaladaasi ay ka wadaan Gobolka Baay Ee Koonfuirta Wadanka Somalia .
Ugu Dambeyntii Baryihii ugu danbeeyay Gobolada Bay & Bakool waxaa ka socday howlgalo ay wadeen Ciidamada Dowlada Somalia iyo gacan ka helayay Ciidamada AMISOM .
Idale News Online, Baydhabo