Muqdisho(INO)-R/Wasaaraha Xukuumada Somalia Cumar Cabdirashiid Cali, ayaa xalay ku dhawaaqay Golle Wasiiro oo ka kooban 20-Wasaaradood ,kuwaa oo u badan aqoonyahano da’yar ah qaarkoodna aysan horey wax xil ah uga soo qaban Dowladihii kala duwana ee dalka soo maray.
Guddoomiyihii Jaamacada Simad ee Magaalada Muqdisho Cabdiraxman Maxamed Xuseen(Odawaa,) ayaa kamid noqday Golaha Wasiirada Cusub, waxaana loo magacaabay Wasiirka Arrimaha Gudaha & Federaalka.
Mr Odawaa ayaa ah aqoonyahan in badan kusoo dhax jiray dhinaca Waxbarashada waxa uu sanado badan Gudoomiye ka ahaa Jaamacada Simad ee Magaalada Muqdisho , waxaana masuulka lagu tiriyaa in uu kamid yahay saaxiibada dhaw uu leeyahay Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud.
Golaha Wasiirada Cusub waxaa sidoo kale kamid noqday Madaxa Machadka Daraasaadka iyo Siyaasada Heritage Cabdirixman Sheekh Yusuf Cali Caynte, oo isna loo magacaabay Wasiirka Wasaaradda Qorshaynta & Iskaashiga Caalamiga.
Mr. Ceynte oo ah Aqoonyahan da’yar ah ayaa horey uga soo shaqeeyay Idaacada VOA laanteeda afka Soomaaliga waxa uu sidoo kale lasoo shaqeeyay Taleefishinka Caalamiga ee Al-Jazeera, waxaana masuulkan isna lagu tariyaa in uu katirsan yahay Kooxda Aala Sheekh.
Wasiirada uu xalay ku dhawaaqay Ra’izul Wasaaraha Soomaaliya ayaa u badan rag inta badan Siyaasada ku cusub , waxaana Wasiiradan horyaala shaqo adag , waxaana dhawaan la horgeyn doonaan Baarlamaanka Soomaaliya si ay codka kalsoonida u siiyaan ama ugu diidaan.
Idale News Online, Muqdisho.