Jowhar(INO)— Madaxweynaha cusub ee Hirshabeelle Cali C/llaahi Cosoble ayaa sheegay inay dedejiyaan soo gudbinta xubnaha Musharaxiinta Aqalka sare ee matalaya maamulka Hirshabeelle, isagoo cadeeyay in doorashada ay ka dhici doonto magaalada Jowhar.
Cali Cosoble ayaa sheegay in maamulka Hirshabeelle aanu noqon doonin mid ka hara doorashooyinka ka socda dalka, isagoo xusay in wada tashiyo ay la sameyn doonaan bulshada sidii ay u soo gudbin lahaayeen Musharaxiinta Aqalka sare.
“Maamulka Hirshabeelle ma noqon doona mid ka hara doorashooyinka, waxaa soo dedejin doonaa xubnaha Musharaxiinta Aqalka sare, waxaa wadatashi la sameyn doonaa Bulshada”ayuu yiri Mr Cali C/llaahi Cosoble.
Waxaa uu sheegay in magaalada Jowhar oo ah xarunta Maamulka Hirshabeelle ay ka dhaceyso doorashada Aqalka hoose ee ka imaanaya labada Gobol ee Hiiraan iyo Shabeellaha Dhexe
Xildhibaanada Maamulka Hirshabeelle ayaa lagu wadaa si la mid ah sida xildhibaanada maamul goboleedyada kale u soo doorteen ay u dooran doonaan Musharaxiinta Aqalka sare ee matalaya Maamulka Hirshabeelle
Hadalkan ka soo yeeray Madaxweynaha Hirshabeelle Cali C/llaahi Cosoble ayaa ku soo aadaya, xilli Ugaas Xasan Ugaas Khaliif uu sheegay in dowladda ay u diiday in Xildhibaanada ka soo jeeda Gobolka Hiiraan lagu soo xulo magaalada Beledweyn.