Madaxweyne Xassan Sheekh & Prof. Jawaari Oo Majaxaabin Siyaasadeed Ku Sameeyay Shariif Xassan

0
183

Baydhabo(INO)- Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed ee Soomaaliya Shariif Xassan Sheekh Aadan ayaa Siyaasad iyo dabin culus kala kulmay Madaxweyne Xassan iyo Guddoomiyaha Baarlamaanka Prof. Maxamed Sheekh Cusman Jawaari.

Madaxweyne Xassan iyo Prof. Jawaari ayaa afka dhulka u galshay qorsho uu watay  Madaxweyne Shariif Xassan taa oo aheyd in Xubnaha Aqalka Sare ay ku imaadan rabitaankiisa, hayeeshee waxaa qorshahaasi kala daadiyay Xassan iyo Jawaari.

Madaxweyne Xassan Sheekh iyo Jawaari ayaa Aqalka Sare ka ilaaliyay inay kusoo baxaan dhammaan xubnaha taageersan Shariif Xassan iyadoo fashilinta qorshahaasi loo adeegsaday xubno ka tirsan baarlamaanka Koonfur Galbeed Soomaaliya kuwaasi oo faraqa loogu shubay dhaqaale aad u xoogan.

Xubnaha ugu badan ee kusoo baxay Aqalka Sare ee Dowlada Koonfur Galbeed ayaa ka tirsan Ururka Damul-Jadiid, waxaana soo bixitaankooda gaalin miisaan leh ka qaatay Madaxweyne Xassan Sheekh oo isaga ka cabsi qaba Musharax Shariif Xassan.

Xubnihii uu watay Madaxweyne Shariif Xassan ayaa sidoo kale la sheegay inay kusoo baxeen laba xubnood keliya, halka tirada kale ay ku hareen codadka.

Dajinta qorshahaani lagu maja-xaabiyay ayaa waxa uu ka dhacay magaalada Baydhabo xili  dhawaan halkaasi uu gaaray Xasan Sheekh iyo Wafdi uu hogaaminaayay.

Ugu dambeyntii, Docda kale, maja xaabintaani ayaa waxa ay sababtay in Madaxweyne Shariif Xassan uu dib u gurasho sameeyay, kadib markii uu hakiyay munaasabad uu ugu dhawaaqi lahaa Musharaxnimada 2016, taasoo uu u bedeley mid wadatashiyo ah.