Khasaaro badan oo ka dhashay dagaalkii ugu dambeeyay ee Gaalkacyo ka dhacay

0
214

Galkacyo(INO)- Wararka ka imaanaya Magaalada Gaalkacyo, ayaa sheegaya in dagaalkii shalay galab dib uga qarxay magaaladaasi uu khasaaro buuran ka soo kala gaaray labada dhinac, ee maalintii sideed iyo tobnaad uu dagaalku u dhaxeeyo.

Dagaalka oo ay adag tahay in la ogaado cidda qaaday, ayaa waxaa lagu tilmaamay midkiisii ugu xooganaa ee ka dhaca Magaalada Gaalkacyo, saddexdii toddobaad ee la soo dhaafay.

Wararka, ayaa waxay intaa ku darayan in dagaalkan uu gaystay khasaaro dhimasho, dhaawac iyo mid maaliyadeedba leh, iyadoo dhimashada lagu sheegay laba iyo toban askari iyo dhaawaca afartan kale.

Mid ka mid ah dadka fara ku tiriska ah ee ku haray Magaalada Gaalkacyo, oo faah faahin ka bixiyay dagaalkaasi, ayaa yiri
“Dagaalku wuxuu bilowday daqiiqado ka dib, markii la tukaday Salaadda Casir, wuxuuna socday laba saac oo xiriir ah, oo marna aysan xabadda is taagin.”

“Ugu yaraan laba boqol oo madfac ayay rideen labada dhinac, oo rasaasta noocyadeeda kala duwana ay barbar socoto, guryihiina burbur xoogan ayaa ka soo gaaray.”

“Marka aan ka hadlo ogaalkeyga dagaalka ayaa sababay dhimashada laba iyo toban qof oo hal shacab ah uusan ku jirin iyo dhaawaca afartan askari. Meydadka iyo dhaawacyada waxaa la kala geeyay Isbitaalada Koonfurta iyo Waqooyiga Magaalada Gaalkacyo ku kala yaala.”

“Waxaan dhihi karaa dagaalkan wuxuu ahaa midkii ugu xooganaa ee ka dhaca Magaalada Gaalkacyo, tan iyo markii uu Gaalkacyo ka soo cusboonaday horaantii bishan.”

“Dagaalka oo ka qarxay Galbeedka Magaalada Gaalkacyo, gaar ahaan meel xigta xabaalaha, ayaa waxaa inyar dib loo riixay Ciidamada Puntland, oo horey u joogay.”

Si kastaba ha-ahaatee waxaa saakay degan xaaladda guud ee Xarunta Gobolka Mudug, waxayna Maamulada Galmudug & Puntlandba u muuqdan kuwo weli u biro tumanaaya dagaalo hor leh