Addis- Ababa(INO)-Madaxweynaha Jamhuriyadda Federaalka Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud iyo wafdi uu hogaaminayo ayaa xalay gaaray Magaalada Magaalada Adis ababa Ee Caasimada Dalka Ethopia si halkaasi halkaasi uga Qeeybgalo shir madaxeedka Africa.
Madaxweynaha oo ay wehliyaan masuuliyeen kale oo katirsan Dowlada Somalia ayaa si diiran loogu soo dhoweeyay Magaalada Adis Ababa ee Xarunta Dalka Ethopia.
Madaxweynaha Soomaalia ayaa lagu wadaa in uu kulamo gaar ah la yeesho MAdaxda Afrika ka hor shir madaxeedka Wadamada Midowga Afrika.
Shirka madaxeedka wadamada Afrika ayaa waxaa looga hadli doonaa Xaaldaha wad ay Soomaaliya ku jirto waxaana gaba gabada laga soo saari doonaa warmurtiyeed.
Ugu Dambeyntii Shir madaxeedka Midowga Afrika ee dalka Ethiopia ka dhacayaa ayaa la filayaa in lagu lafaguri doono arrimo badan oo qaaradda khuseeya.
Idale News Online, Addis Ababa