Addis(INO)-Wasiirka arimaha dibada dalka Ethiopia Dr. Tedros Adhanom,oo la kulmay dhigiisa dalka Denmark Martin Lidegaard,ayaa waxay ka wada hadleen arimo badan oo ay ka mid tahay xaalada dalka Soomaaliya.
Dr. Tedros Adhanom wasiirka arimaha dibada Ethiopia oo hadalka ku horeeyay ayaa Dowlada Denmarka ku amaanay martigelinta shirkii heerkiisu sareeyay ee arimaha Soomaaliya looga hadlayay,kaasi oo lagu qabtay magaalada Copenhagen bishii November sanadkii la soo dhaafay.
Sidoo kale,Dr. Tedros Adhanom ayaa u sheegay wasiirka arimaha dibada Denmarka in ifafaalaha nabada ka jira Soomaaliya muujinayo in shirkii wasiirada arimaha dibada urur Goboleedka IGAD si nabad galyo ah ugu soo idlaaday Muqdisho goor sii horeysay oo bishan ah.
Sidoo kale,wasiirka arimaha Dibada dalka Ethiopia ayaa ku amaanay Ethiopia gacanta ay ka geysaneyso dib u soo celinta Soomaaliya,isagoona balan qaaday in xukuumada Copenhagen ku garab istaageyso Ethiopia sidii u sii kordhin lahayd taageerada Soomaaliya.
Labada mas’uul ayaa dhanka kale waxay ka wada arinsadeen Qatarta amni ee waxay ugu yeereen argagixisada ku hayaan dalalka bariga Africa iyo sidii Dowlada Denmarka yaraan arintaasi gacan ugu geysan lahayd.
Labadani wasiir arima dibadeed ayaa isku arkay shir ka dhacay magaalada Adis-ababa ee caasimada Ethiopia.
Idale News Online, Addis.