Kulan saacada badan qaatey oo dhex marey madaxweynaha dowlada federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheikh Maxamuud iyo madaxweynaha dowlad goboleedka Puntland Mudane C/raxmaan Sheekh Maxamed Faroole isla markaasna looga hadlaayey arrimo badan oo ay ka mid ahaayeen Dastuurka, Maamul Goboleedka Jubaland iyo weliba doorka dowlada dhexe ee Maamulada dalka ayaa ku dhamaadey is afgaranwaa oo lagu kala tagey.
Kulanka oo ka dhacay Hotel Safari ee uu degan yahay Madaxweyne Xasan Sheikh Maxamuud ayaa ahaa mid saxaafadu dibada ka joogtey, hase ahaatee ilo wareedyo lagu kalsoonaan karo ayaa waxay sheegeen in kulanku ahaa mid xasaasiyad xambaarsanaa isla markaasna labada dhinac ay mowqifyo adag istaageen oo haba yaraatee tanaasul uusan jirin.
Dowladda Federaalka ayaa iyadu ku adkeysatey in maamul ku meel gaar ah ay u soo magacowdo labada gobol ee Jubada dhexe iyo Jubada Hoose, halka ay sheegey in ay dowladu horey ugu magacowdey gobolka Gedo Maamul kmg oo hadda howshiisa wata. Hase ahaatee dhanka Maamulka Madaxweyne Faroole ayaa isagu aad u daneynaaya in dowladu aqoonsato doorashadii maamulka Madaxweynaha ka yahay Axmed Maxamed Islaam “Axmed Madoobe”, haddii aysan dowladu diidana maamulkoodu inaysan raali ka noqon doonin in meel hoose wax laga soo bilaabo oo maamulkaas la burburiyo mid cusubna ay dowladu soo magacowdo.
Ma jiro war rasmi ah oo ilaa iyo hadda ka soo baxey labadii dhinac ee shirka ka qeybta ahaa. Dhanka dowlada Federaalka waxaa wada hadaladaasi ku wehliyey madaxweyaha Soomaaliya wasiirkiisa Madaxtooyada Faarax C/qaadir halka dowlada Puntland ay uga qeyb galeen wada hadaladaasi Madaxweynaha Maamulkaas Mudane Faroole iyo Wasiirka Amniga Ilka Jiir.
Idale News Online