Bilihii ugu danbeyay Waxaa meeshi ugu saraysay maraya dagaalka biyaha ee uu dhexeya wadamada Itobiya iyo Masar kaas oo ku qotoma sida lo kala badsanayo biyaha uu keeno wabiga Nile.
Xisadan u dhexaysa Masar iyo Itobiya ayaa in mudo ah soo tagnayd waxaase kor u sii qaday xiisada ka dib marki wadanka Itobiya uu wabiga Nile ka samaystay biyo Xireen aad u balaraan ( DAM).
Masaar ayaa waxaay aminsantahay hadi uu dhaqan galo biya xireenkaasi balaraan ee laga samaynaayo wadanka Itobiya in biyihii wabiga Nile ee soo gaari jiray Masar ay labo qaybood qayb in aysan sooo gareen waxaana biyo la,an daran ay soo wajahaysa dad lagu qiyaasay 2.5 Milyan Masaari ah oo ayagu ku noola biyahaasi.
Dowlada Masar oo ayadu ah wadanka ugu danbeeya ee uu soo gaaro wabiga Nile ayaa waxaay saamiga wabigaasi ku leedahay Awooda ugu badan ayado heshiis la saxiixay 1950 meyaadi uu dhigayo in Wadanka Masar uu Isticmaalo biyaha ugu badan ee Wabiga Nile.
Dowlada Itobiya ayaa war ay soo sartay ku sheegtay in ay jabinayso heshiiski 50 maadki la galay ee Awooda badan sinayay Wadanka Masar waxayna sheegtay in heshiiskaasi uu ahaa mid gumaysi ah oo aan hada sii socon karin waxaana hadalkaasi si weyn uga caroday masar oo ayadu wali ku adkaysanaysa in aan lama taabtaan u yahay heshiiskaasi.
Isku daayo la donayay in labada wadan lagu dhex dhaxaadiyo ayaa waxaay ku soo dhamdeen Fashil ayado dhinac walba uu ka soo dagi wayay meeshi uu tagnaa .
Ismari wagaan ayaa waxaa uu sababay in Dowlada Masar ay go,an ku qadato in ay dagaal ka xigto biyaha wabiga Nile oo laga yareeyo saamigii ay ku lahayd waxaana Wasaarada Gaashandhiga wadanka Masar ay bilowday isku diyaarin dagaal ka dhan ah wadanka Itobiya .
Wadanka Masar oo aan xaduud la lahayn Itobiya ayaa waxaa kaliyah oo u furaan in uu ku weeraro diyaaro ayado aysan itobiya xata lahayn bad laga weeraro.
Wasaarada Gaashandhiga Masar ayaa waxaay kentay Qorshe Ciidamada Somalia logu adegsanayo in Masar ay ku difaacato qaybta ay ku lahayn wabiga Nile waxaana Masaar Qalab kala duwan oo milatary ay gaysay Somalia bilihii ugu danbeyay usbucaan ayaa waxaa sido kala magaalada Muqdisho tagay Ganaraalo Masaari ah oo ka socday wasaarada gaashandhiga masar iyo Tababareyaal Ciidan kuwas oo Ciidamada Somalia bari doona qaabka lo isticmaalo hubka xogan ee ay masar Somalia kentay.
Wadanka Itobiya oo la socda dhaqdhaqaaqyada ay Masar ka wado Somalia ayaa waxaa ay ayaguna bilaaben Qorshe logo hortagayo in Ciidamada Somalia oo isku duuban lo adegsado in lagula dagaalo Itobiya waxaayna kulamo kala duwan Deeganada dhaca Xaduudaha somalia iyo Itobiya kula yeesheen Sarakiil ka tirsan Ciidamada Xogga Somalia iyo Maamulada Deeganadaasi.
Sido kale Dowlada Itobiya ayaa waxaa qorshaynaysaa in Wafdi balaraan oo ka kooban Saraakiil Ciidan oo Itobiyaan ah in ay u kala dirto Magaaloyinka Kismaayo Garoowe iyo Hargaysa waxaana arinkaasi ay Itobiya uga goledahay in Masar aysan Ciidamada Somalia u adegsan Burburinta Itobiya.
Eng Maxamed Cabdi Xasan oo ah Aqonyahan Somaliyeed oo ku nool Wadanka Masar ayaa waxaa uu sheegay in Dowladaha Masar iyo Itobiya uu dagaalkoodu ka dhici doono Somalia waxaa uu sheegay in labada wadan ay dagaalkooda u xawileen Somalia waxana uu edeyn u jeediyay Dowlada Masar oo uu ku sheegay in Xili Somalia ay ka soo kabsan rabto dhibaatadi haysa 20 sano ay manta dagaal cusub galin rabto.
Eng Maxamed Cabdi waxaa uu yiri Wafdiga ka socda Wasaarada Gaashandhiga Masar waxaa uu somalia tagay xili aan lo bahnayn oo ay jirto xisaad labo wadan waxaayna wafdigaani iyo kulamada ay muqdisho ku leyihiin ka dhigan tahay Abaabul dagaal oo ka dhan ah Itobiya.
Eng Maxamed ayaa waxaa uu sido kale Itobiya ku dhaliilay sida ay uga baxday heshiis caalami ah islamarkana ay rabto in ay biya la,an ku dhigto Malayiin Masaari ah.
Isku soo wada duubo Wadanka Somalia oo mudo 20 sano ah burbursana rajo yarna ay ka soo Muqatay ayaa waxaa hada laga cabsi qaban in ay ku dagalaman labada wadan ee ugu ciidanka Badan Qarada Africa.
Ethiopia diverts blue Nile disputed Dam
W/D: Osman Nur Geddi
Qahira-Masar