Waxaa xalay fiidkii lagu dilay Wadanka South Africa labo wiil oo soomaali ah wiilasha la dilay ayaa lagu soo waramayaa in ay soo weerareen koox tuugo south african ah oo ku hubeysan baangado iyo tuuriyo ka dibna halkaas ay ku jarjareen baangad labadi labadii wiil ee kusugnaa halkaas.
Warsidaha Idale News Online ee ku sugan wadanka south africa ayaa khadka telefanka kula xidhiidhay dadka ku nool magaalada uu dilka ka dhacey ee Gobolka Limpopo ayaa noo xaqiijiyay dilka labadan wiil ee soomalida ah Sidoo kale Gudomiyaha ayaa ku sheegay magacyada labada wiil Maxamed Xasan iyo C/salaan Nuur oo u sheegay in si xun loo dilay lana goo gooyay jidhkooda Waxaa baryahan dambe soo badanayay dilka loo geeysanayo Qaxootiga soomalida ee ku nool Wadankan south africa .
Sidoo kale waxaa maanta loo balansanyahay Mudaaharaad lagaga soo horjeedo tacadiyada loo geeysanayo Dadka soomaalida ah ee ku dhaqan wadankan South Africa oo ka dhacaya Aqalka Baarlamanka oo ku yaala Magaalada Cape Town ee isla wadanka South Africa ayadoo ay jiraan maanta mudaaharaadyo kale oo lagu mudaaharaadayo Safaarada South Africa ay ku leedahay qaar kamid ah wadamada ree galbeedka
Idale News ONline