Baydhabo(INO)-Wararka ka imaanaya Degaanka Goofgaduud ee Gobolka Baay ayaa sheegaya in Xarakada Al-shabaab ay Tuulooyin hoosyimaada Goofgaduud ka Afduubteen ilaa 50 Ruux oo kamid ahaa Dadka halkaasi ku nool.
Dadka ayaa la soo warinayaa in ay yihiin Xoola dhaqato iyo Beeraleey ku nool Gobolka Bay ee Koofur Galbeed Soomaaliya.
Gudoomiyaha Goofgaduud Axmed Maxamed Aadan oo la hadlay Idaacadaha Muqdisho ayaa sheegay in Dadka hada Al-shabaab Gacanta ugu jira ay gaarayaan ilaa 50 Ruux,waxaana uu tilmaamay in Al-shabaab ay Dadkaasi lacag ka rabaan.
Axmed Maxamed ayaa intaa ku daray hadalkiisa in ay heleen Warar sheegaya in Al-shabaab Qofkiiba ay ka rabaan Toban Milyan oo Shilka Soomaaligaa Ruuxii bixiyana la siideynayo.
Arrintaan ayaa ah mid ku cusub Gobolka Baay,iyadoona Al-shabaab dadka ku hoos nool ay Awal ka caban jireen Lacago Sakawaad ah oo ay dadka ka qaadaan.
Idale News Online, Baydhabo.