Muqdisho(INO)- Xildhibaano tiro badan oo ka tirsan Labada Kudladood ee Baarlaamanka Soomaaliya ayaa maanta midoobay, waxaana War Saxaafadeed ay wada qabteen looga hadlay arimo dhowr ah.
War Saxaafadeedka waxaa kaloo lagu sheegay inaanu waxba iska bedelin mowqifkii hore ee Xildhibaanada, ee ku aadanaa inaanan Golaha Wasiirada cusub lagu soo darin afartii xubnood, ee ay horey kaga biyo diideen.
Xubnaha ay diidan yihiin Xildhibaanadu waxaa lagu kala magacaabaa C/kariin Xuseen Guuleed, Faarax Sheekh Axmed Maxamed, Xuseen Cabdi Xalane iyo C/laahi Maxamed Cali (Sanbaloolshe), oo sanadkii tagey mar loo magacaabay Agaasimaha Hay’adda Nabad Suggida, inkastoo laba bilood ka dib ay shaqada ka eriday Xukuumaddii C/weli Sheekh Axmed Maxamed.
Xildhibaanada ayaa sheegay in mowqifkoodu uu cad yahay, islamarkaana ay Ra’iisal Wasaaraha u sheegeen inaanay aqbali doonin, haddii Liiska Magacyada ee Golaha Wasiirada lagu arko shakhsiyaadka ay ka diggeen.
Ra’iisal Wasaaraha waxaa loogu baaqay in Golahiisa Wasiirada uu ka soo xusho aqoonyahanada Somaliyeed, ee aan shaqada ku lahayn Madaxtooyada Magaalada Muqdisho.
Kudlooyinkaan, ayaa waxay la kala baxeen Kudlada Badbaado Qaran iyo Kudlada Toosinta Tallada Qaranka. Waxaana la tilmaamaa inay ku mideysan yihiin ilaa 150 ka mid ah Xildhibaanada Baarlamaanka, haddii ayba ka badnayn tiradaasi.
Arimahan ayaa kusoo aadaya Iyadoo madaxwayne Xasan sheekh uu dhankiisa sheegay in Wasiiradii hore ay soo noqon doonaan.
Halkan Ka Daawo.
,
Idale News Online, Muqdisho.