Ciidamada dowlada Soomaaliya iyo kuwa AMISOM ayaa fariisimo cusub kala wareegay ciidamada ururka Alshabaab eek u sugan deegaanoka tirsan gobolka Shabeelaha Hoose.
Gudoomiyaha degmada Qoryooley ee gobolka Shabeelaha Hoose ee dowlada Soomaaliya Cismaan Maxamed Buraale, ayaa saxaafada u sheegay in dagaal xoogan uu ka dhacy deegaan hoostaga degmada Qoryooley.
Dagaalka Xoogiisa ayuu sheegay inuu ka dhacay deegaanada Cabdi Cali iyo Furuqweyn oo degmada Qoryooley hoostaga, isagoo sheegay inay usuuro gashay in Alshabaab ay ka saaraan deegaanadaasi.
Gudoomiyaha ayaa sidoo kale cadeeyay in ALshabaab deegaanadaasi ay kasoo qaadi jireen weerarada ay ka geysanayaan degmada Qoryooleey ee gobolka Shabeelaha Hoose, halkaasi oo ciidamada AMISOM ay fariisin ku leeyihiin.
Ku dhawaad 50 ruux oo dhinacyada dagaalamay ah ayaa ku dhawacmay dagaalka, sida uu gudoomiye Buraale uu sheegay, waxaana uu sheegay in qasaaraha badankiis uu gaaray ciidamada Alshabaab sida uu hadalka u dhigay.
Ma jiro wax war ah oo kasoo baxay dhanka Alshabaab oo ay kaga hadlayaan in dagaaladii Qoryooley looga qabsaday deegaanada hoostaga degmadaasi.
Idale News Online, Furuqweyne, Nagala Soo Xariir Email: Idalenewsonline@gmail.com