Lammaane is qaba oo u dhashay Koonfurta Wales, ayaa sheegay in midiba ka kale dhiiggiisa cabo si qalbiyadoodu noqdaan qaar isu daacad ah oo isu furan.
Lammaanahan oo lagu naanayso Andy iyo Pyretta, ayaa sheegay in ay ka mid yihiin bulsho 15,000 qof oo dalka Ingiriiska aaminsan fikradoodan oo kale, iyagoo tilmaamay in waqtiyo khaas ah ay dhiiggooda cabaan.
“Marka midiba ka kale dhiiggiisa cabo, waxa isku xidhmaaya ruuxihiina, dhadhamo ahaana waa mid aad noo raalligeliya,” ayuu yidhi Andy.
Lammaanahan waxa gurigooda lagu arkay dhiig midiba ka kale ugu talagalay, isla markaana u diyaarsan inuu cabso.
Pyretta waxay sheegtay in falkoodan aanu cabsi gelin dadka ay meel kula nool yihiin, wax dhib ahna aanay ku hayn dadka kale, dhiigga kalena aanay jeclayn, taasina ay keento in dadku dhacdadooda xiiseeyaan, waxaanay tidh; “Qof kasta waxa uu jecel yahay inuu taariikhdiisa caafimaad baadho, waxaanannu leenahay dhiig nadiif ah oo aan wax cudur ah ku jirin, qof kastana waxa uu mara baadhitaan caafimaad oo maskax jidh ahaaneed.”
Haweenaydan waxay tilmaantay in aanay ku dayan dadqalada amma Vampire filimada shirkadda Hollywood soo saarto lagu jilo, iyadoo xustay in aanay arrintaasi wax saamayn ah ku yeelan iyada iyo saygeeda.
“Arrinkan haddii qof kale joojiiyo ka kale ayaan joojinayn, sababtoo ah waxaan u arkaa inay tahay abaalmarin qof ba ka kale siinaayo, waana wax noloshayada qayb weyn ka ah, haddii arrintaasi dhacdo oo qof meesha ka baxo ma doonayno in qof kale aanu helno,” ayuu yidhi Andy oo ka waramaya haddii arrinkan joojiyaan waxa dhici kara.
Idale News Online,Wales, Nagala Soo Xariir Email: Idalenewsonline@gmail.com