Kooxda Al-shabaab Oo 12 Qof Ku Dhishey Gobolka Bakool

0
239

Xudur(INO)-Ugu yaraan 12 qof oo shacab  Soomaaliyeed ah ayay ciidamada Xakada Al-shabab ku xasuuqeen deegaanno katirsan gobolka Bakool ee dhaca Koonfur galbeed Soomaaliya.

Alshabaab
Wararka ka imaanaya duleedyada degmada Rabdhuurre iyo degaanka Buurdhuxulle ayaa sheegaya in ciidamada Al-shabab ay dad rayid ah ku gummaadeen,dad si dirqi ah uga badbaaday xasuuqa ayaa warbaahinta uga sheekeeyay sidii ay wax u dhaceen.

Ciidamada Al-shabab  ayaa 7 qof ku gowracay Buurdhuxulle halka 5 kale ay ku dileen baadiyaha degmada Rabdhuurre,waxgaradka Gobolka Bakool waxay sheegeen in Al-shabab oo khasaara xooggan kala kulmay weeraro Ciidamada Dowlda Iyo Kuwa AMISOM  kula beegsadeen wadada ay shacabka ku qamaameen.

Idale News Online, Xudur.

 

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here