Muqdisho(INO)-Guddoomiyaha guddiga Maaliyada Baarlamaanka Soomaaliya ayaa ka hadlay qiima dhaca ku yimid shilinka Soomaaliya iy howlaha horyaala Wasiirka cusub wasaarada maaliyada Soomaaliya.
Samaan Maxamed Sheikh Daahir, oo ka hadlaayay xaflad xil wareejin ah ayaa sheegay hoos u dhac aad u weyn in uu ku yimid sida loo qiimeynaayo Shilinka Soomaaliya, isagoo sheegay in dalka dhan uu qabsaday adeegsiga doolarka.
Wuxuu sheegay in meel walbaa oo aad tagto xitaa ganacsadaha ugu yar uu ku weydiinayo inaad doolar wax uga iibsato, isagoo taasi u sababeeyay in canshuuraha dowlada aan lagu qaadin Shilin Soomaali.
Inkastoo Soomaaliya inteeda badan laga isticmaalo shilinka Soomaaliga, hadana mar waliba waxaa awood badan oo dadka ay wax ku kala iibsadaan lacagta doolarka, iyadoo ganacsatada ay kuu sheegayaan in qiimaha doolar ahaan u dhigma sheyga aad iibsanayso.
Halkan K Daawo.
Idale News Online, Muqdisho