Koonfur Galbeed iyo UNHCR Oo Ka Wada Hadlay Arimo La Xiriira Qaxootiga

0
164

Baydhabo(INO)– Dowlada Koonfur Galbeed ee Soomaaliya iyo Hay’ada Qaramada Midoobay dhanka Qaxootiga u qaabilsan ee UNHCR ayaa ka wada hadlay dib u dejinta Qaxootiga ku soo laabanaya Deegaanada koonfur Galbeed Soomaaliya.

Kusimaha Madaxweynaha  Koonfur Galbeed ahna Wasiirka Beeraha iyo Waraabka ee Koonfur Galbeed Mudane Maxamed Xasan Fiqi oo la hadlay Warbaahinta ayaa sheegay in UNHCR ay kala hadleen Qaxootiga Soomaaliyeed ee ka soo laabanaya Dalka Kenya, kuwaas oo soo gaaraya Deegaanada Koonfur Galbeed Soomaaliya.

Wuxuu sheegay in ay diyaariyeen goobihii ay degi lahaayeen Qaxootiga, Qalabkii ay cuntada ku karsan lahaayeen, Gooo ay wax ku bartaan iyo waxyaabo kale.

Sidoo kale Kusimaha Madaxweynaha Koonfur Galbeed ahna Wasiirka Beeraha iyo Waraabka ee Koonfur Galbeed Maxamed Xasan Fiqi ayaa sheegay in ay ka wada hadleen heshiisyadii hore ee ay u wada gaareen Dowladda Soomaaliya iyo UNHCR ee la xiriiray sidii dadkan dib u dejin loogu samayn lahaa gudaha Dalka Soomaaliya marka la ay ku soo laabtaan.

Ugu dambeyntii, Dhowaan ayay aheyd markii Dhoobleey laga soo fasaxay Qaxooti halkaasi ku xayirnaa in muddo ah kuwaas oo hada inta badan ku soo jeeda Deegaanada Koonfur Galbeed Soomaaliya iyo Jubbaland.