Dhageyso: BFS oo La Ogaaday in La Afduubtay

0
173

Muqdisho(INO)- Cabdullaahi Goodax Barre oo ka mid ah mudanayaasha Baarlamaanka Soomaaliya ayaa sheegay in dalka haadaan uu kusii socdo hadii aan laga gaarin.

Xildhibaan Goodax ayaa sheegay in quus ay ka taagan yihiin sida uu hadalka udhigay fara gelin shaqadii baarlamaanka ah ay ku hayaan Madaxda ugu sareysa Dalka ee Murashaxiinta wada noqday.

Cabdullaahi Goodax oo ka mid ah Xildhibaanada ugu afkaarta kulul kana soo horjeeda Dawalda Xasan Sheekh ayaa sheegay in Baarlamaankii uu hakad ugu jiro Ashkhaas katirsan D.F.S sida uu yiri.

Siyaasigaasi oo mar Wasiir kasoo noqday Dalka Soomaaliya ayaa sheegay in dalka ay ku taageeri doonaan Hogaan Caadil ah oo murashaxiinta hadda utaagan ay usacbin doonaan midkii la yimaada qancinta Shacabka.

Halkan Ka Dhageyso