Xamar(INO)- Xabsiga dhexe ee Xamar oo ay ku xiran yihiin maxaabiis dambiyo kala duwan loo haysto, kuwaasi oo qaarkood xukuno lagu riday, halka qaar kale ay xukun sugayaal yihiin.Taliska ciidanka asluubta Soomaaliyeed ayaa xabsiga gudahiisa ka hirgeliyay xarumo wax lagu baro maxaabiista, isla markaana lagu dhaqan celiyo.Maxaabiista ku xiran xabsiga dhexe ee Xamar ayaa hadda hela Waxbarasho isugu jirta diini iyo maaddi labadaba waxaana darruustaasi bixinayo Macalimiin Aqoon durugsan leh oo ka tirsan Ciidanka Asluubta Soomaaliyeed.
Bashiir Maxamed Jaamac, Taliyaha Ciidanka Asluubta Soomaaliyeed ayaa sheegay in ay horumarinayaan goobaha waxbarasho ee Xabsiga dhexe ku dhex yaala isagoo tilmaamay in ujeedadoodu ay tahay in maxbuuska markii uu xabsiga ka soo baxo uu leeyahay Aqoon ama xirfad uu ku shaqeysan karo.
Maxaabiista Xabsiga dhexe ee Xamar ku xiran ayaa Bogaadiyey isbadallada horumarineed ee ka bilowday gudaha Xabsigaasi, waxaana ay sheegeen in diyaar ay u yihiin Waxbarasho, iyagoo Taliska Ciidanka Asluubta ku amaanay Dadaalka ay ugu jiraan Horumarinta nolosha Maxaabiista .
|