Bulshaweynta degta inta u dhaxaysa labada webi waxaa ay ku taami jireen iney Somalia Federal noqoto taasi oo daliil u ah xiligii gumeystaha in Qowmiyada D&M ku doodi jirtey in Dowladnimada Somaliya qaabkeedu uu ahaado mid Federal ah ,waxayna tariikhda xustaa in Halyeygii D&M xiligaasi u ariminayay aayaha Qowmiyadiisa loo diley Ilaahay ha u naxariiste USTAAD CUSMAAN.
Dilka Ustaadka waxaa u fududeeyey isagoo aan amnigiisa laga taxdirin ayaa Cadowgii wagaas diley hadana caruurtoodi iyo waxay sii dhaleen waxay dibin daabyo iyo kala goynta D&M iyo inta degaan wadaaga ah ilaa sacadan aan qoraalka wada kashaqeynayaan,waxaana ka go’an qiimo kasto haku qadatee iney Burburiyaan Umad ayaheeda ka tashaneysa.
Sidoo kale Qowmiyada D&M waxaa markale hadana ay Samaysatey M/mul Goboleed uu Madaxweyne loogu doortey Ilaahay ha unaxariiste Avv. Xasan Sheekh Ibraahim Xaseey’’,
M/mul Goboleedkasi oo ahaa midkii ugu horeyey ee Somalia loogu dhawaaqo wuxuuna ahaa mid aad loogu riyaaqey Beesha Calamkana goob jooge ka ahayd,asbaabaha uu u baabayna waxaan ku soo koobaya labo qodob oo kala ah:
1- Sababta ugu weyn ee uu mamulka la burburey ayaa ahayd iyadoon ciidanka K/Galbeed la dhisin difaaca Dalkana laga fikirin ayaa lagu hormarey dhisida Maamul aan hal askeri lahayn,taasina ay Caydiid u fududeysey isagoo hal qabiil ah inuu Qowmiyad dhan qabsado.
2- Lagama fikirin Jiritaankii Mamulkii K/Galbeed iney ku soo dagaal galaan halka RRA lagu soo degaal galay,haddii Mamul ahaan dagaalka Ceydiid iyo Xulufadiisa lala galay lagu adkeysan lahaa maanta qof Awaare ka yimid looma magaci lahayn dhulaan farac iyo isir midna uusan u lahayn.
Waxaa kaloo xusid mudan Halyaygii markale isna dib u yagleeley M/mul Goboleedkii K/Galbeed Somalia Ilaahay ha u naxariiste marxuum Dr.Xasan maxamed Nuur Shaatiguduud,inkastoo maamaulkiisa muddo badan jirin hadana waxaa loo anaynayaa in Dr. uusan diyaarinin ama gacantiisa ku wada jirin cidamadii RRA ee xiligaasi M/mulka la dhistey hadana ka dumisey.
Ugu danbeyn waxaa muddo ka badan 15bilood har iyo habeen odeyaasha dhaqanka D&M u taagnayeen sidii ay ku dhisi lahayeen M/mul goboleedkii K/G Somalia ,iyagoo kala kulmey handdaad fara badan kasoo salkiisa ka soo jeedo Cadowgii soo jireenka ahaa ee diley Ustaad Cusmaan iyo in badan oo loo jirdiley Aya katalinta Qowmiyadooda.
Si kastey ahaataba Odeyaasha dhaqanka waxay ka caana maalen Juhdigii faraha badnaa ee ay geliyeen sidii Caruurtoodu dhaxalkii Abayashooda ay ka soo gareen ugu reebi lahayeen,waxayna dhisteen Aqalka Odeyaasha dhaqanka (Golaha Guurtida).
Sidoo kale waxaa ay doorteen Madaxweynihii si dimoqraadi ah oo aaney xaglin ku jirin loo doortey waxaana Nasiib iyo Ayaan u yeeshey inuu usha u qabto K/G Somalia Mudane Madowe Nuunow Maxamed halka ku xigeenkiisana loo doortey mudane Maxamuud Sayid Aden.
Waxaa xusid mudan maalinta la doortey Madaxweyne Nuunow waxay u ahayd inta wada degta Lixda gobol maalin Ciideed halka Madaxweynaha Muqdisho u arimiya Xasan Safarow iyo Sakiin iyo Topaz ay u ahayd maalin tacasiyo u ah waayo waxay ka kaabiyeen dardaarankii Abayaashoda oo ahaa inaan Lixdan iyo Federalba Qowmiyada D&M qaadan.
Hadaba iyadoo la doortey Madaxweyne iyo kuxigeenkiisa oo aanan weli la dhisin cidan difaaca SouthWest State Ilaahay ma yiraahde hadaanan la daba qaban labadii M/mul ee K/G wadadey qadeen miyaanan lagu dhici doonin hadaanan bil ka yar aanan la helin cidan u qaas ah K/G Somalia.
Isku soo wada duub walaalka Runta kuguma naco laakiin wey ka naxisaa ayay Somali tiraahda wararka ka imanay Muqdisho ayaa waxaa ay shegayaan in Sarakiisha Cidamada , Amniga intuba degdeg Muqdisho kusoo gala la yiri kadib markey ku hungoowen rabitaanka Xasan Safarow Baydhabo ka shaqeyn waayey ,HADABA MAXAA XIGA MARKA SARAAKIISHANI AY MUQDISHO GAARAAN?
Mad Mamud Edow Baydhowy Jinaay.
Idale News Online.