Ahlusunna”Ciidamo ayaan u Qorsheynay Gobolada la Xoreeyey”.

0
212

Baardheere-Saraakiisha Ciidamada Ahlusunna ee Gobolada Koofur galbeed ayaa sheegay in ay Diyaariyeen  Ciidamo suga Amaanka Deegaanada Al-shabaab  laga saaray ee Goboladaasi.

Teaser Image Ahlusunna

Xoghayaha Difaaca Ururka Ahlusunna  ee Gobolada Koofureed Sh Mursal Isaaq ayaa sheegay in Ciidamada loo qorsheeyey in la geeyo Degmooyinkii Al-shabaab laga Xoreeyey.

“Ciidamada aan Goobahaas geeyn doono, waa kuwo ku filan Xaqiijinta Amaanka,waa Ciidamo Tababar loo soo Xiray oo Diyaar u ah,Difaac Dalka iyo Diinta”ayuu yiri Sh Mursal.

Waxaana hadalkaan uu imaanayaa xili Siyaasiinta Soomaaliyeed ay sheegaan in Goobaha Al-shabaab laga Xoreeyo aan loo diyaarin Ciidamo suga Amaanka Deegaanadaas la qabtay.

Balse Su’aasha isweydiinta mudan ayaa ah Ciidamada Ahlusunna ee Gobolada Koofur Galbeed ee Soomaaliya ma ku filan yihiin Xaqiijinta Amaanka Degmooyinka la qabtay.

Idale News Online, Baardheer.