Kenya oo sheegtay in 447 qof Xabsiga ku hartay.

0
184

Dowladda Kenya ayaa sheegtay in la sii daayay inta badan dadkii lagu soo xiray howlgal ka dhacay Islii kaddib qarax ka dhacay halkaas.

Madaxda Soomaalida Kenya ayaa cambaareeyay howlgalkaas.

Waxay sheegeen in lagu bartilmaameedsanayo dadka Soomaalida oo kaliye.

Afhayeen u hadlay boliiska Kenya Mascuud Mwinyi ayaa sheegay in Hay’adda Qaramada Midoobay u qaabilsan qaxootiga ayaa sheegtay inay ka walwalsan tahay dadka tirada badan ee Soomaalida iyo jinsiyaadaha kaleba leh ee lagu xirayo Nairobi.

Ilaa haatan dad kor u dhaafaya 4,000 oo ruux oo laga soo xiray xaafadda Islii toddobaadkii la soo dhaafay ayaa ku sugan xabsiyada Nairobi iMaxaabiisyo garoonka cayaaraha ee Kasarani.

Dowladda Kenya ayaa wacad ku martay inay dalka ka saari doonto dadka taageersan ururka Al-Shabaab ee ka howlgalo Soomaaliya.

Al-Shabaab ayaa sheegatay dhowr weerar oo laga fuliyay gudaha dalka Kenya.

Ciidammada Kenya ayaa howlgal ka wada xaafadda Islii ee Nairobi tan iyo markii uu halkaas ka dhacay qarax ay ku dhinteen ugu yaraan 6 ruux.

Boliiska ayaa sheegay in xaafaddaas ay gabbaad u noqotay kooxaha xagjirka ah, arrintaas oo ay ku gacanseyreen dadka xaafadda deggan.

Weriyaha BBC-da ee Suhayba Maxamad Badqas oo booqatay garoonka Kasarani ayaa sheegtay in dadka xiran ay ku jiraan carruur iyo dumar.

Boliisku waxay sheegayaan in dadka xiran ay kala soocayaan, so loo ogaada kuwa dalka ku jooga si sharci darro ah.

Xigasho: BBC,

 

Idale News Online, Nairobi.