Dhageyso: Madaxweynaha KG soomaaliya Ee 3da Gobol “Beesha Caalamka waxaan ka codsaneynaa & Gargaar bixiyaasha Inay U gurmadaan , Gobolka Bakool.

0
196

Madaxweynaha,Maamulka Koonfur galbeed soomaaliya Ee 3da Gobol, Md maxamed xaaji cabdi nuur madeer ayaa ka hadley xaalada bini’aadinimo ee ka jiro Gobolka Bakool.

Madaxweyne madeer oo u hadleyey warbaahinta gudaha dalka ayaa waxa uu ugu baaqey hay’adaha gergaarka,iney la soo gaaraan Gargaar Deg deg ah dadka ku tabaaleysan gobolka Bakool,oo sida dhawaanahan la sheegey ay jirto xaalado cakiran ee nool xumo ah.

Madaxweyne Maxamed xaaji , oo isgoo joogo magaalada muqdisho baaq dheer u direy hay’adaha caalamka ,dowlada soomaaliya, deeq bixiyaasha iyo ku howlan arimaha bini’aadinimada u baaqey inay soo buuxiyaan kaalintooda.

Hadalkan madaxweyne Madeer ayaa ku soo beegmaya xili dhawaanahan laga soo sheegayo Gobolka Bakool, xaalad aad u liito, oo nafaqo daro ah iyo Cunto xumi.

Ugu dambeyntii, Gobolka Bakool intiisa kale ee wadooyinka muhiimka ahi waxa gacanta ugu jirto Xogaga soomaalida ah Ee Al shabab mayalka adag isla markaana dagaal kula jirto dowlada soomaaliya iyo Ciidamada AMISOM kuwaasoo Go’doomiyey Qaar ka mid ah Degmooyinka Gobolka Bakool oo ay maamusho DF soomaaliya.

Halkan Ka Dhageyso Codka Madxweyne Madeer.

[audio:My Documents\Downloads\Music\13966.mp3|autostart]

MadeerIdale News Online, Muqdisho.