Jadwalkii doorashooyinka Soomaaliya ee 2016 oo dib u dhacyo hor leh ku imaanaya

0
163

Baydhabo(INO)— Jadwalkii doorashooyinka ee bil ka hor soo bandhigeen Guddiga Federaalk ee hirgelinta doorashooyinka dadban ayaa waxaa ku socda dib u dhacyo hor leh, iyadoo laga cabsi qabo in markii 3aad uu dib u dhac ku yimaado doorashada Madaxweynaha ee loo qorsheeyay inay ku dhacdo 30-ka bisha November.

Guddiga doorashooyinka dadban ayaa ka fikiraya in saddexda maalmood ee ka hartay 17-ka cisho ee loo horay loogu qorsheeyay inay ku dhacaan doorashada aqalka hoose lagu dhameystiro, hadii aysan taas dhicin waxaa suura gal ah in Jadwal cusub soo saaraan.

Afhayeenka Guddiga doorashooyinka dadban Maxamed Keynaan ayaa ugu baaqay Maamul goboleedyada inay dedejiyaan doorashada Aqalka Hoose, isla markaana si deg deg ah ku soo doortaan Xildhibaanada Aqalka hoose.

Waxaa uu sheegay in Maamul goboleedyada Jubbaland, Koofur Galbeed, Galmudug, Hirshabeelle looga baahan yahay inay soo gudbiyaan liisaska ergada oo dhameystiran, musharaxiinta Xildhibaanada tartamaya, shuruudahooda, si ay waqtiga doorashada ay u iclaamiyaan.

Maamulka Puntland ayaa illaa iyo hada soo doortay xubnihii u horeeyay ee Xildhibaanada Aqalka hoose, waxaa lagu wadaa in maamulada kale ay bilaabaan doorashada Aqalka hoose saddexda maalmood ee soo socota.

Ugu dambyntii, Caqabadaha ku hor-gudban hirgelinta doorashooyinka ayaa suura gal ka dhigaya dib u dhacyo kale oo ku yimaada waqtigii la filayay inay ku dhacaan doorashooyinka sanadkan 2016, waxaana laga cabsi qabaa in sanadka 2017 ay u dhacdo, maadaama ay qabyo yihiin waxyaabihii la rabay in la qabto ka hor doorashada Madaxweynaha.