Dhageyso: Musharax Shariif Xasan Oo Baydhabo Ka Jeediyey Khubad Rajo Galisay Bulshada Soomaaliyeed

0
184

Baydhabo(INO)- Madaxweynaha Koonfur Galbeed Soomaaliya Shariif Xasan Sheikh Aadan ayaa maanta magaalada Baydhabo kaga dhawaaqay inuu yahay musharax u taagan madaxweynaha Soomaaliya 2016-ka.

Munaasabad kooban oo ka dhacday Baydhabo kana qeyb galeen Bulshada qeybaheeda kala duwan ayuu shariif Xasan ku shaaciyay musharaxinimadiisa madaxtinimo.

Bulshadii joogtay munaasabada ayaa shariif Xasan ku amaanay howsha adag uu u soo qabtay Qaranka iyo kuwa hada uu hayo,waxayna qireen inuu u qalmo xilka madaxtinimo ee 2016-ka ilaa iyo 2020-ka.

Madaxweynaha Koonfur galbeed ahna musharaxa u taagan madaxweynaha Soomaaliya ayaa dhankiisa sheegay inuu wax badan u qaban doono Umadda Soomaaliyeed hadii uu guuleysto.