Jaamacadda Mogadishu Oo kuliyadaha Engineering & Caafimaadka lagu daray

0
355
Jaamacadda Muqdisho oo looga bartay waxbarasho tayeysan, kuna qaabeysan halbeegga casriga ah ee tacliinta sare ee aduunka, lehna aqoonsi caalami ah, kana mid noqotay 100-ka Jaamacadood ee ugu horaysa Qaaradda Afrika.
Janaayo 2012-diina heshay shahaadooyin caalami ah oo kala gedisan, oo ay ka qalin jabisay dufcadii 13-aad sanadka 2012/2013.iyada oo qaar ka mid ahi ay ka diyaariyeen darajada Master-ka iyo PhD-da Jaamacado caalami ah iyo waliba barnaamijka jaamacadda ee wabarashada sare (post graduate programme) oo ay la waddo jaamacado caalami ah.

Jaamacada Muqdisho oo hadda 17 sano jirsadey ayaa waxaa lagu kordhiyey kuliyada caafimaadka iyo Engineering dhinacyadiisa kala duwan waxaan horey jaamacada u laheyd 7- kuliyadood. Jaamacada ayaa hadda leh kuliyadaan :

1. kuliyada caafimaadka (Medicine ) General Medicine and surgery
2. Kuliyada Engineering, oo ka kooban:
a) Civil Engineering. b) Architecture
3. Kuliyada dhaqaalaha iyo maamulka, oo ka kooban:
a) Statistics & Management. b) Global Studies & international relations.
c) Economics. d) Business Administration. e) Accounting. f) Public Administration.
g) Finance & Banking.
4. Kuliyada kalkaaliyayaasha iyo culuumta caafimaadka, oo ka kooban:
a) General Nursing. b) Medical Laboratory sciences. C) Public Healthy.
5. Kuliyada Sharciga iyo Qaanuunka, oo ka kooban: a) Sharia & Law.
6. Kuliyada waxbarashada. oo ka kooban.
a) Social Sciences. b) Arabic Language. c) Islamic Studies
d) Math & Physics. e) Biology & Chemistry.
7. Kuliyada Aadaabta iyo culuumta insaaniga, oo ka kooban:
a) History & Civilization. b) English Language & Literature.
c) Arabic language & literature. d) Geography.
8. Kuliyada culuumta kombuyuutarka iyo Tiknoolojiyadda, oo ka kooban:
a) Computer Science. b) Information Technology (IT).
9. Kuliyada siyaasada iyo warbaahinta, oo ka kooban:
a) Political Science. b) Journalism & Information.

compus_aerial compus_sorrounding

Idale News Online