Daawo: Dood ku Saabsan Dowladu Waa Sanad-Jirsataye Maxay Qabtey

0
195

Dood Televion Caalamiga ee Soomaaliyeed ee Universal TV ayaa qabtay dood dhinacyo kala duwan oo Soomaaliyeed kaga doodeen waxqabadka dowlada Federaalka oo hadda sanad jirsadtey. dadqka qaarkii ayaa qaba in Dowladda Federaalka ee u hogaamiyo Madaxweyne mudane Xasan Sheekh ayaa ku guuldareysatay howshii uu balanqaaday inuu hirgeliyo. Howshaas oo ahayd tii uu madaxweyne Xasan Sheekh uu balan qaaday inuu dowladdiisa hirgelin doonto, taasoo ahayd 6-dii (lixdii) tiir.



Shalay oo ay taariikhdu ahayd 21 August ee 2013 ayaa Barlamaanka Federaalka jirsaday 1 sano iyadoo uu madaxweyne Xasan Shiikh-na ay sanadguuradiisii ka dhiman tahay 1 bil oo ah markii la doortay, taasoo ahayd 10 Sept. 2012.

Qodobada udub dhexaadka u ahaa dooda isla markaasna ahaa Madaxweyne xasan Sheekh balanqaadey inuu wax ka qabanaayo ka qeybgalayaashuna aad uga doodeen waxaa ka mid ahaa
1) Nabadgalyo iyo la dagaalanka kooxaha nabad-diidka ee Al-Shabaab
2) Garsoor iyo cadaalad( Hantidii gaarka iyo tii qaranka oo la soo celiyo)
3) La dagaalanka musuqmaasuqa iyo in dowladda la gaarsiiyo gobolada dalka
4) Hirgelinta maamuladii federaalka
5) Ilaalinta midnimadii Soomaliyeed iyo
6) Dib u soo celin xiriirkii caalamiga ee dunida lala wadaagay.
somaliemblem
Doodda ayaa waxaa la isu keenay ragga kala ah Avv. Cumar Dhageey oo ah aqoonyahay sharciyaqaan ah oo ku nool waddanka Ingriiska, Dhaashane oo ah aqoonyahan aad uga faalooda arrimaha iyo siyaasadda Somalia iyo Haabiil Cabdi Haybe oo ah dadka u ololeeyo jaaliyadda UK islamarkaana ay DF usoo xilsaartay waddanka Ingriiska.

Idale News Online