Wasiirkii hore ee DF ee Soomaaliya C/xakiin Xaaji Fiqi, oo Waraysi siiyey mid ka mid ah TV Soomaalida ee gobolka Minnesota ee lagu magacaabo ACRO TV ee Wariye Yuusuf Xaraare, ayaa iska difaacay eedaymo loo soo jeediyey , waqtigii uu ahaa Wasiirka Gaashaandhiga DF ee Soomaaliya, gaar aan dagaaladii Kismaayo horay uga dhacay.
Wasiirkii hore oo hadaladiisa ay u muuqdeen inuu raadinaayo kalsoonida Maamulka Jubbaland ayaa waxuu sheegay inuu marnaba isaga iyo madaxweyne Xasan aysan ka soo horjeedin dhismaha Maamulka Jubaland ee Madaxweynaha ka yahay Axmed Madoobe.

Inkasta oo C/xakiin Fiqi , uu eedaymahaas iska fogeeyey, haddana dadka deegaanka Jubbooyinka waxay isku raacsan yihiin inuu ka mid ahaa shaqsiyaadkii dhiiga shacabka Jubbaland ku daadiyey guddaha magaalada Kismaayo.
Idale News Online