War-saxaafadeed ay soo saartay Hay’adda Human rights Watch ee u dooda arrimaha xuquuqda aadanaha ayaa waxaa looga hadlay xadgudbyada ka dhaca Soomaalida iyo sida wax looga qaban karo.
Warsaxaafedeed ay soo saartay Hay’adda ayaa waxa ay kaga dalbatay barlamanka Soomaalida in sida ugu dhaqsiyaha badan ay u soo saaraan una meel mariyaan sharci looga hartago xadgudubyada xuquuqda aadanaha.
Hay’adda ayaa sheegtay in Soomaaliya ay ka dhacaan gabood falo badan oo dhinaca bini’aadamka taasi oo ay sheegtay in uusan jirin sharci rasmi ah oo xadidaya.
Human rights Watch waxa ay aaminsan tahay in iyadoo barlamanka Soomaaliya uu meel mariyo sharciga xuquuqul insaanka ay keeni karto in ay yaraadaan dhibaatooyinka ka jira dalka.
Idale News Muqdisho