Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha iyo Amniga Qaranka oo sheegay inay bilaabayaan Dhageysiga Teleefanadda gudaha dalka

0
158
 eeeeweeeeewreweqwq

Dowladda Somalia, ayaa shaaca ka qaaday inay dhawaan bilaabeyso dhageysiga Teleefanada laga isticmaalo gabi ahaan Dalka Somalia.

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha iyo Amniga Qaranka Somalia, ayaa waxa uu sheegay in Dowladda ay qaadeyso Talaabo lagu koontoroolayo Shirkadaha Telefanada Dalka laga isticmaalo, waxa uuna Wasiirka Talaabadaasi ku sheegay inay guullo usoo hoyin doonto Xukuumadda Somalia.

Wasiirka ayaa waxa uu hadalkaasi ka hor sheegay Xilli uu la hadlaayay Xildhibaanadda Baarlamaanka Somalia, isagoona sheegay in loo bahan yahya in la kashifo Network in Hay’adaha amniga loo siin karo fasax.

Sidoo kale, waxa uu Wasiirku sheegay in Ciiddamadda Hay’adda Nabadsugida la tuso inay dhageysan karaan Taleefoonada si looga hortago Maleeshiyadda Alshabaab xiliyada ay Qaraxyadda maleegayaan isla markaana isticmaalayaan Teleefoonadda.

Waxa uu sheegay inay Tababaro u siinayaan Ciiddamo gaar ah oo Hay’adda uga shaqeeyo Qalabka lagu koontoroolayo Telefanada.

Ugu dambeyntii, Wasiirka ayaa sheegay in todobaadka soo socda Golaha Wasiirada uu horgeyn doono sharciyada ay ku shaqeeyaan laamaha ammaanka dalka.

Idale News Muqdisho