XOG:- Ceydiid Cabdullaahi ilka Xanaf oo xil ka qaadis lagu sameynaayo.

0
195

JJJ

Illo-diplomaasi ayaa waxa ay Shabakadda u xaqiijiyeen in Xukuumadda Somalia ay xil ka qaadis ku sameyneyso Gudoomiyaha Maxkamadda sare Ceydiid Cabdullaahi (ilka Xanaf).

Xogta ayaa sheegeysa in Dowladda Somalia, ay dalka dibadiisa kala imaaday Saraakiil ay darajadoodu gaarsiisan tahay Prof isla markaana in badan ka shaqeynaayay hawlaha garsoorka.

Xogta ayaa waxa ay sidoo kale Tilmaameysaa in Dowladda Somalia ay waxbadan ka badaleyso Saraakiisha Maxkamadaha Dalka kadib markii ay Dowladda la kulanta dhaliilo ku aadan arrinta garsoorka.

Madaxda sar sare ee Dowladda Somalia weli kama aysan hadlin xil ka qaadistaasi, balse waxaa jira Xog ay shabakaddu ka heleyso dhanka Diplomaasiyiin ka tirsan Xukuumadda Somalia.

Idale News Muqdisho