HRW oo ka walaacsan howlgallada Kenya ay ku beegsaneyso Somalia.

0
205

Hay’adda u dooda xuquuqda aadanaha ee Human Rights Watch  ayaa war ay soo saartay waxa ay kaga digtay cawaaqib xumada ka dhalan karta sii socoshada howlgallada lagu beegsanayo muwaadiniinta Soomaaliyeed.

Human Rights Watch ayaa warkeeda waxa ay ku sheegtay in ciidamada Kenya dhibaato aan yarayn ay  ku hayso soomaalida dalkeeda magan  galiyada u jooga.

Waxa ay sheegtay hay’addu  in howlgallada ay sii   kordhin karaan kooxaha qaraxyada iyo falalka ammaan daro ka gaysta qaar ka tirsan magaalooyinka dalka Kenya

“Ciidamada Kenya waxaa bar lacag ay ku qaataan  u noqotay xaafada Islii ee ay Soomaalidu degan yihiin.”  ayay warkeeda ku xustay Human Rights watch.

Ma ah ayay tiri hay’addu in Kenya ay raadinayso nabad u gaar ah , nabadu waxa ay ku jirtaa bulshada   oo loola dhaqmo hab wanaagsan.

Dowladda Kenya ayaa si gaar ah u bartilmameydsata muwaadiniinta soomaalida ah eek u nool dalkeeda xilliyada ay dhacaan falal liddi ku ah ammaanka.

HRW

Idale News Online,Muqdisho.