Police gobolka Minnesota oo qabtey wiil dhalinyaro ah oo qorsheynaayey inuu dilo qoyskiisa & inuu qarax ka geysto dugsigiisa sare.

0
181

Masuuliyiinta amniga magaalada WASECA oo ku taala koonfurta gobolka Minnesota ayaa ka hortagey qorshe uu damacsanaa wiil dhalinyaro ah, kaasoo rabay inuu dil u geysto dhamaan qoyskiisa sidoo kalena rabay inuu qarax ka geysto dugsi sare oo ku yaala magaalada WASECA ee gobolka Minnesota.

Willkaan oo da’diisu lagu sheegay 17 sano jir, ayaa maalintii talaada aheyd la xiray, ka dib markii Police magaaladaasi lagu soo war galiyey qorshaha wiilka. Police ayaa sidoo kale gacanta ku soo dhigay walxaha qarxa iyo qoryaha darandooriga u dhaca oo  uu ku qarinaayey sariirtiisa hoosteeda iyo meelo kale. waxaana Police ay sheegeen in wiilkaasi howsha uu kaligiis ku ahaa oo cid kale oo gacan ka siineysay qorshahiisa aysan jirin. hase ahaatee ay baarayaan wax ku kalifey iyo sida ay ku halay walxaha qarxa.

Wiilka dhalinyarada ah ayaa markii ugu horeysay la keeney maxkamada bixinin xog ku saabsan waxa uu damacsanaa, balse markii dambe sheegay inuu qorsheynaayey inuu sameeyo walxo qarxa. hase ahaatee ma sheegin wax intaas dhaafsiisan.

wiilMN

Idale News Online