Madaxweynaha oo farriin u diray dadka ku nool deegaannada ay haysato Al-Shabaab.

0
201

Madaxweynaha dowladda federaalka ah ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa u soo jeediyay dadka ku nool deegaannada ay weli gacanta ku heyso Al-Shabaab inay soo dhaweeyaan ciidanka xoogga dalka oo qorsheynaya inay xoreeyaan guud ahaan dalka.

Madaxweynaha ayaa war qoraal ah oo ka soo baxay xafiiskiisa ku sheegay in ciidanka Soomaaliya oo kaashanaya kuwa AMISOM ay ku sii jeedaan deegaannada ay ku sugan tahay Al-Shabaab, isagoo ciidanka ku ammaanay guulaha ay kasoo hoyeen howlgallada.

Xasan Sheekh ayaa ku dhiirrageliyay dadka ku nool deegaannada dhawaan ay la wareegtay dowladda inay ka shaqeeyaan midnimada iyo horumarka dalka, isla markaan ay ilaashadaan nabadda ay heystaan.

Wuxuu xusay in ciidanka xoogga dalka Soomaaliya ay mudan yihiin taageero wax ku ool ah, si loo xaqiijiyo ammaanka dalka.

Xasan Sheek

Idale News Online,Muqdisho.