Hawlgal Khasaare Sababay oo laga fuliyay Deegaan ka tirsan G/Sh/ Hoose

0
170

Afgooye(INO) — Hawl-gal khasaare geystay, ayay Dowladda Somalia sheegtay in laga fuliyay tuulo ka tirsan degmada Qoryooleey ee gobolka Shabeellada Hoose.

Dowladda Soomaaliya, ayaa sheegtay in Weerarkan oo lagu beegsaday Tuulo Qiyaastii 60-km u jirta degmada Qoryooley, oo ay ku sugnaayeen Xoogag ka tirsan, Waxaana lagu dilay afar ka tirsan Al-shabaab, lix kalena nolosha lagu qabtay.

Guddoomiyaha Degmada Qoryooley, Maxamed Cismaan oo la hadlay Idaacadda VOA-da ayaa sheegay in tuulada la weeraray oo lagu magacaabo Aw-dugul oo uu sheegay inay Al-shabaab saldhig ku lahaayeen.

“Weerarku wuxuu dhacay xalay saqdii dhexe, dadka Tuulada ku sugan, ayaa noo sheegay in Diyaarado Dagaal ay Gantaallo la dhaceen Guri Tuuladaas ku yaalla, Waxayna Dadku sheegeen in nolosha lagu qabtay lix Qof oo ka tirsan Al-shabaab, Afar kalena Guriga lala beegaday duqeynta lagu dilay,” ayuu yiri Maxamed Cismaan.

Sidoo kale, Guddoomiyaha Degmada Qoryooley ayaa sheegay in hawl-gakan uusan maqan wax khasaare ah oo kasoo gaartay shacabkii tuuladaas, isagoo sheegay in shacabku ay kala carareen markii duqeyntu billaabatay.

Dhanka kale, Guddoomiyaha oo la weydiiyay xaaladda tuulada sida ay tahay Xilligan, ayaa sheegay inay daggan tahay, dadkii deegaankana ay dib ugu soo laabteen, inkastoo warbixin intaas dhaafsiisan uusan bixin.

Ugu dambeyn, Al-shabaab ayaan weli dhankeeda ka hadlin Hawl-galkan oo ahaa mid cirka ah, iyadoo duqeyntan ay kusoo beegmayso iyadoo Hawlgalo caynkan oo kale ay horay uga fuliyeen diyaarado dagaal deegaanno ka tirsan gobollada Soomaaliya, gaar ahaan kuwa ay ku sugan tahay Al-shabaab.