Baydhabo(INO)- Akadeemiyada tababarka iyo Horumarinta ee NUJUUM, waxaa la’aasay August 2016, Akadeemiyadan waxay Xarunteedu ay tahay Degmada Buurkahaba Ee Gobolka Bay, Waxaana yagleeley Aqoonyahan Xuseen Aadan Yorow oo ka mid ah Waxgaradka Degaanka.
Howlaha Akadeemiyada Qabato waxa Ka mid ah sida; magaceedaba ka muuqda waxaa ay bixisaa Tababaro lagu horumarinayo bulshada qaybaheeda kala duwan Ee Gobolka Bay.
Tan iyo intii la Aas Aasey Akadeemiyadan waxaa ay qabatay 3 Tababar:
Tababarkii ugu dambeeyey waxaa ay qaba tay 24-25-11-2016, waxaa loo qabtay arday 40 oo isuga jira 21 wiil iyo 19 gabar isla markaana ka kala socday qaar ka mid ah dugsiyada Degmada Buurhakaba Ee Gobolka Bay.
Cinwaanka siminaarka waxaa uu ahaa: “Ingtee Injeedy”? ama “Xageed u socotaa”,waxaana lagu baranayey sida ay ardadu u samaysan lahaayeen ahdaaf ama yoolal ayaga ugaar ah oo ay xaqiijinayaan inta ay noolyihiin.
Si Kastaba ha ahaate, Tababarkan marti geliyey Dugsiga Hoose Dhexe iyo Sare ee Imaamu Shaafici ee Degmada Buurhakaba Ee Gobolka Bay.
Ugu dambeyntii, Waxa Tababarka Bixinayey Xuseen Aadan Yorow Isla markaana waxa la soo Gebo gabeeyey Galabtan.