Muqdisho(INO)- Michael Keating Wakiilka Gaarka ah ee Qaramada Mioobey u qaabilsan Soomaaliya ayaa sheegay inaysan doorashada Madaxweynaha Soomaaliya aysan ku dhaci karin Waqtigii loo qorshayeeyay oo ku aadan Arbacada Soo socota.
Michael Keating ayaa tilmaamay in doorashada Madaxweynaha Soomaaliya qiyaas ahaan, ay dhici karto 15-ka bisha soo socoto ee December, islamarkaana dib u dhac balaaran uu ku yimid doorashada Madaxweynaha Soomaaliya.
Wakiilka oo Wareysi siiyay Barnaamijka Focus on Africa ee BBC, ayaa sheegay ka hor doorashooyinka labada afhayeen, in loo baahan yahay in la soo doorto tirada ugu badan ee Xildhibaanada Aqalka Hoose.
Doorashada Soomaaliya ayaa bilba bisha ka dambeysa dib u sii dhaceysa Waana markii afaraad oo la shaaciyo in dib u dhac uu ku yimid doorashada Soomaaliya.
Halkan Ka Dhageyso