Kulan ay Maanta Magaalada Hargeysa iskugu yimaadeen Mucaaradka Maamulka Soomaaliland ayaa waxaa ay ku baaqeen in Dowladd KMG ah Soomaaliland laga dhiso Dhamaadka Sanadkaan 2014.
Xisbiyada Mucaaradka Maamulka Soomaaliland ayaa Kulankooda waxaa ay sheegeen in Xukumadda Soomaaliland aysan Diyaar u aheyn in Doorasho loo dhan yahay ay ka qabato Deegaanada Soomaaliland islamarkaana ay soo jeediyeen in Dowladda KMG ah Soomaaliland laga dhiso.
Waxaa ay Dhaleeceeyeen Madaxweynaha Soomaaliland Axmed Siilaanyo oo ay sheegeen in uu doonayo in uu Xilika aysan ka dagin Xisbigiisa Kulmiye ee hada Soomaaliland Maamula.
Uhadlayaasha Mucaaradka Soomaaliland ayaa ahaa Feysal Cali Waraabe, C/rixmaan maxamed C/laahi, Ibraahin C/laahi Xuseen “Dhagaweyne,waxaana ay sheegeen in laga gudbay xiligii la is Caburin jiray.
Xukumadda Soomaaliland wali kama aysan hadlin hadalka Mucaaradka.
Idale News Online – Xafiiska Baydhabo Janaay.