Xaflad balaaran oo ay ka soo qaybgaleen Sedexda gole ee uu ka koobmo MaamulKA lixda goblol ee Koofur Galbeed ayaa waxay maanta ka dhacday Xarunta maamulka ee magaalada Baydhabo,Xafladan oo ahayd mid lagu dooranayay madaxweyne ku xigeenka Labaad ee maamulka KoonfurGalbeed ayaa waxaa u soo istaagay jagadaas Jaylaani Abuukar Jimcaale kadibna waxaa golaha uu ku doortay cod aqlabiyad ah sidaasina waxaa lagu dhaariyay Madaxweyne ku xigeenka ee KoonfurGalbeed Jaylaani Abuukar Jimcaale.
Dhaarta kadib ayaa waxaa halkaasi ka hadlay Madaxweyne ku xigeenka labaad eee KoonfurGalbeed Jaylaani Abuukar Jimcaale waxa uuna u mahadceliyay golayaashii doortay waxa uuna balan qaaday inuu u adeegi doono umadiisa kadibna waxaa hadalka qaatay Madoobe Nuunoow Maxamed waxa uuna goobta ka sheegay in aan cidi laga yeelayn burburinta maamulka.
Halkan ka Dhageyso
[audio:http://daafeet.com/wp-content/uploads/2014/08/raasumaal.m4a|autostart=yes]