Dowladda xilligaan uu hoggaamiyo madaxweyne,Xassan Sheekh Maxamuud ayaa watigeeda waxaa uga dhiman 13-bilood,waxaana qorshuhu yahay in sannadka 2016-ka ay dhacdo doorasho xor ah,waxaana maanta la doortay guddoomiyaha guddiga u qaabilsan baarlamaanka dastuurka iyo higsiga doorashooyinka 2016-ka.
Kulnka waxaa qeyb-galay guddoomiyaha baarlamaanka Soomaaliya,Maxamed Sheekh Cismaan Jawari iyo guddiga u qaabilsan baarlamaanka dastuurka iyo higsiga doorashooyinka 2016-ka.
Guddiga u qaabilsan baarlamaanka dastuurka iyo higsiga doorashooyinka 2016-ka ayaa iyagu doortey guddoomiye iyo ku-xigeenkiisa kuwaaso la doonayo inay ka shaqeeyan sidii ay dalka ugu dhaci lahaayd doorasho xor ah.
Guddoomiyaha guddiga dastuurka ayaa loo doortay xildhibaan, Cabdi Cali Xasan oo horay u ahaa wasiir-u-dowlihii wasaaradda arrimaha gudaha Somalia, halka guddoomiye ku xigeenkana loo doortay, Cilmi Maxamed Nuur.
Xidlhibaan,Cabdi Cali Xasan oo loo dortay guddiga u qaabilsan baarlamaanka dastuurka iyo higsiga doorashooyinka 2016-ka ayaa hadal uu jeediyey waxaa uu ku dalbadey in lala shaqeeyo si ay u fududaadan howlaha adag ee horyaalla,waxuuna sheegay inay doonayan sidii gacan looga sin lahaa sidii ay u soo diyaarin lahaayeen doorasho dalka laga hirgeliyo sannadka 2016-ka.
Guddoomiyaha baarlamaanka Soomaaliya,Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari oo isaguna hadal ka jeediyey shirka guddoomiyaha guddiga lugu dooranayey waxaa uu sheegay inuu soo dhaweeyay doorashada guddoomiyaha guddiga iyo ku xigeenkiisa, isagoo xusay inay ka fududeysay howlo badan oo u yaalla, gaar ahaan howlaha loo igmaday guddigan, isagoo ku dhiirri-geliyay inay dadaal u galaan sidii sannadka 2016-ka ay dalka u gaarsiin lahaayeen doorasho xor ah.
Waxaa kalo uu soo hadal qaaday guddoomiye Jawaari guddiga iyo hoggaankiisa inay gutaanka waajibaadkooda shaqo si loo gaaro in doorasho xor ah ay dalka ka dhacdo xilliga soo socda.
Ugu danbeynti waxaa uu sheegay guddoomiye Jawaari in waqti kooban ay u harsanyihiin dowladda xilligaan jirta,waxuuna si cad u sheegay inaysan dowladda u harsanen labo sanno ee u waqtigu yahay 13-bilood.
Waxaa qorshuhu yahay Soomaaliya inay ka dhacdo doorasho si guud dalka oo dhan ugu dhacda sannadka 2016-ka waxaana lugu soo dooran doonna hoggaanka dalka ugu sareeya,inkasto walaac laga muujinayo habka ay udhici karto doorashada.
Idale News Online