Daawo Sawiradda:Nicholas Kay Oo La Kulmay Wafdigii Koonfur Galbeed Uu Hogaaminayey Madaxweyne Madoobe Nuunow.

0
169

Danjiraha Qaramada Midoobay u Qaabilsan Soomaaliya Nicholas Kay, ayaa la kulmey wafdi ka socda koofur galbeed Soomaaliya oo uu hogaaminayo Madoobe Nuunow isagoo ugu baaqey dhammaan dhinacyada (ay arintu khuseyso) in ay arimaha Baydhaba ka gaaraan heshiis loo wada dhan yahay kaas oo ay garwadeen ka tahay Dowladda Federaalka Soomaaliyeed.

Weli muran ayaa Baydhaba ka taagan maadaama madaxda siyaasadda isaga soo horjeeda, Madoobe Nuunow iyo Maxamed Cabdi Nuur Madeer, uu mid walba wato hindisayaal siyaasadeed ee is-diidan kuna qotoma maamul u sameynta gobollo ka kooban lix ama saddex gobol ee koonfur galbeed Soomaaliya.

“Kulankeyga maanta wuxuu ahaa mid aan ku taageerayey wadahadaladda uu garwadeenka ka ahaa Raysulwasaaraha Soomaaliya, Cabdi Weli Sheekh Axmed. Waxaan soo dhoweynayaa diyaar ahaanshaha dhammaan dhinacyada (ay arinta khuseyso) si ay u yeeshaan wadahadallo aan shuruudi ku xirneyn ayna ku baadi goobayaan xal nabadi ku dhisan tahay. Waxaanan ku faraxsanahay ilaa iyo hadda horumarka la gaarey,” sidaasi waxaa war saxaafadeed ku yiri Nicholas Kay.

“Waxaan ku guubaabinayaa dhammaan dhinacyada (ay arinta khuseyso) in ay gaaraan xal siyaasadeed oo loo wada dhan yahay kaasoo u horseedaya habkii lagu sameyn lahaa maamul goboleed kumeelgaar ah oo uu yeesho koonfur galbeed Soomaaliya, maamulkaas oo aqoonsi ka helaya Dowladda Federaalka Soomaaliya sidoo kalena taageero ka helaya bulshada caalmaka. Ayadoo ay garwadeen ka tahay Dowladda Federaalka Soomaaliya, ayaa looga baahan yahay dhammaan dhinacyada (ay arintu kuseyso) in ay gaaraan heshiis ixtiraamaya Dastuurka Federaalka Kumeelgaarka ah iyo heshiisyada hadda jira,” ayuu sii raaciyey.

“Waxaa kale oo iyadana aad muhiim u ah in la xaqiijiyo in dhammaan maamul goboloeedyada kumeelgaarka ah ay ahaadaan kuwo loo wada dhan yahay. Arintani waxaa ay khuseysaa maamulka Kumeelgaarka ah ee Jubba (IJA) iyo Maamulka kumeelgaarka ah ee mustaqbalka ka dhallan doona koonfur galbeed kaas oo aan rajeynayo in uu si dhakhso leh u taabogalo,”

“Xal si dhakhso leh loo helo sidoo kaleetana loo sameeyo maamul kumeelgaar ah, ayaa u suurta-gelinaaya bulshada caalamka iney si buuxda ula shasqeyso maamulka (koonfur galbeed) ayadoo u mareysa Qorshaha Hiigsiga Cusub ee Soomaaliya (the New Deal Compact for Somalia). Sidoo kale waxay arintu albaabka u fureysaa sidii lagu horumarin lahaa arimaha amniga, si waxtar lehna loola dagaalami lahaa Al Shabaab. Qaramada Midoobey waxaa ka go’an in ay sii waddo taageerada ay siineyso Dowladda Federaalka Soomaaliyeed kuna aadan qorshaheeda nabad sameynta iyo qaran dhisidaba.

Wuxuu sheegay wakiilka Qaramada Midoobay inuu diyaar u yahay inuu la kulmo dhammaan dhinacyada (ay arintu khuseyso) si loo baadigoobo helitaanka nabad waarta iyo barwaaqo ka dhalata Soomaaliyaba, sida uu yiri.

“Waxaa aad muhiim in waqtiga laga faa’iideysto, waxaanan rajeynayaa in uusan qofna horistaagin wadada lagu gaarayo horumarka” ayuu yiri sii raaciyey Kay.

k3k5k5k6k6k7k9k10k11k12k13k16k16

Idale News Online.