Gudoomiye Xigeenkii Degmada Bardaale Ee Gobolka Bay oo la Dilay.

0
241

Koox Hubeysan ayaa Xalay Toogasho ku Dilay Gudoomiye Xigeenkii Dagmada Bardaale ee Gobolka Bay,Idiris Gacameey.

Baydhaba Janaay.Wararka ayaa sheegaya in Xalay Fiidkii Koox Bastoolado ku hubeysan ay Qaarajiyeen Gudoomiye Xigeenkii Degmada Bardaale oo lagu Magacaabi jiray Idiris Gacameey.

Maxamuud Cali Shire oo ka mid ah Maamulka Degmada Bardaale ayaa Warbaahinta u sheegay in Gudoomiye Xigeenka Degmada lagu Dilay Meel u dhaw Guriga uu ka Dagan yahay Degmada Bardaale ee Gobolka Bay.

Kooxdii Falka Dilka Fulisay ayaa la sheegay in ay Durbadiiba Goobta ka baxsadeen,waxaana Sidii Caadiga aheydba goobta soo gaaray Ciidamada Booliska ee Degmada,kuwaa oo Baaritaano halkaasi ka fuliyey.

Wali majirto Cid loo qabtay Dilka Gudoomiye Xigeenka Degmada Bardaale ee Gobolka Bay Idiris Gacameey oo Xalay lagu Dilay degmada.

Idale News online – Baydhaba Janaay.