Waxaa sii kordhaya dowladaha Digniinaha dhanka amaanka u jeedinaya muwaadiniintooda ku sugan dalalka bariga qaarada Africa iyo kuwa kale ee doonaya inay dalxiis ahaan u yimaadaan dalka Kenya.

Wasaarada arimaha dibada ee dowlada Australia ayaa soo saartay digniin kale oo ay u jeedinayso muwaadiniinteeda oo ku aadan inaysan u safrin xeebaha dalka Kenya gaar ahaan xeebta Diani, kadib markii looga baqay in la afduubto.
“Waxaan u sheegaynaa oo aan si weyn kula talinaynaa muwaadiniinteena inaysan u safrin xuduudaha Soomaaliya, Ethiopia iyo koofurta Sudan, sababtoo ah waa gobo xaalado Qatar ah ay la jiraan”sidaasi ayaa lagu yiri war kasoo baxay Australia.
Dowladaasi ayaa sheegtay in xaaladaha dhanka qataraha ah ee ka jira ay sababayaan waxyeelo soo gaarta muwaadiniintooda kuwaasi oo doonaya inay dalxiis ahaan u tagaan dalka Kenya.
Dowlado badan oo ku yaala qaarada yurub ayaa dhawaan soo saaray digniino ku wajahan amaanka dalka Kenya, kadib markii qaraxyo kala duwan ay ka dhaceen magaalooyinka dalka Kenya.
Waxaa hoos u dhac uu ku yimid dhaqaalihii dowlada Kenya kasoo gali jiray dalxiisayaasha tagi jiray dalkaasi, waxaana maalmo ka hor dowlada Kenya ka duulay inka badan 400 oo dalxiisayaal ah oo u dhashay UK.
Maalin ka hor dowlada Kenya ayaa dhankeeda sheegtay inay soo celinayso kalsoonida dalxiisayaashii tagi jiray dalkaasi oo amni daro darteed isaga cararay.